Xiisad cusub: Sacuudiga oo loo adeegsanayo qorshe lagu burburinayo Iran

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahiyeen Wargeysyada dalka Iran ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Iran ay ka dharagsan tahay qorshahay uu Mareykanku doonaayo inuu isaga horgeyo Sacuudiga iyo Iran.

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran oo ay xiganayaan wargeysyada ayaa sheegay in Maraykanka uu wado duulan kadhan ah Iran.

Waxa uu tilmaamay Khamenei in qorshaha cad ee Mareykanka uu yahay in Iran uu u adeegsado xulafada uu gobalka ku leeyahay, waxa uuna si toosa u carabaabay Sacuudiga.

Waxa uu yiri Khamenei “Maraykanka wuxuu wadaa inuu mar kale xiisad ka abuuro Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha aan khibrada lahayn”

Khamenei, waxa uu intaa raaciyay ‘’Iran awood ahaan Mareykanka iyo Sacuudiga wey isaga filantahay, cidna ugama xishoon doono difaaceena’’

Waxa uu intaa ku daray ‘’Hadii ay hogaamiyayaashaasi ay khibradooda kororsan lahaayeen iskuma dayeen inay faraha lasoo galaan ama dagaal kusoo qaadaan Iran, sababtoo ah way ogaan lahaayeen in Iran ay ka guuleysan doonto’’

Waxa uu Khamenei tilmaamay in Iran aysan joojin doonin taageerada ay u fidiyaan xulafadooda ku sugan dalalka Carabta, waxa uuna carab dhabay joojinta kaalmooyinka Iran oo burburta.

‘’Waxaan leeyahay adeegsada Sacuudiga ama dalal kale marnaba joojin meyno kordhinta awooda Hubkeena iyo kaalmeynta dalalka carabta’’

Sidoo kale, Khamenei ayaa sheegay in haddalka Maraykanka uu sii xoojinaayo xiisada kala dhexeysa, waxa uuna ka digay in dowladaha carabta ay ku kadsoomaan dabinada uu maleegayo Mareykanka.

Dhinaca kale, goodinta Khamenei iyo Mareykanka ayaa imaaneysa xili 12ka bishan May la filayo in Maraykanka uu shaaciyey go’aankooda ku aadan heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo uu Donald Trump sheegay inuu isaga bixi doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com