Daawo: Muxuu Xaaji Axmed ku arkay Villa Somalia 64-ka sano ee uu ka shaqeynayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaji Axmed Mursal, waxa uu Xarunta Villa Somalia ka shaqeynaayay muddo 64sano, waxa uuna ku takhasusay arrimaha beeraha oo uu qaabilsanaa.

Xaaji Axmed Mursal, oo ka sheekeynaaya waxa uu kusoo arkay Villa Somalia xiligii hore ayaa sheegay inuu goobjoog ka ahaa siibista calanka Talyaaniga iyo suritaanka calanka baluuga ah ee Somalia.

‘’ 1960-kii aniga inta ayaan joogay habbeenkii markii la gaaray 6saac ayaa labada calan la kala bedelay calankii Somalia ayaa kor loo qaaday kan Talyaanigana hoos ayaa loo dhigay”

Waxa uu Xaaji Axmed Mursal tilmaamay inuu goobjoog ahaa xiligii la taagaayay calanka Somalia, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in Somalia ay saldhig u ahaan jirtay gumeystaha Talyaaniga.

Xaaji Axmed Mursal, waxa uu muuqaalkaan cusub ku sheegay in waligii uu ahaa Madaxa beeraha Villa Somalia, wuxuuna carab dhabay in dhammaan geedaha waaweyn ee ku yaalla Madaxtooyada uu gacantiisa ku abuuray.

‘’Haddii aan sheego geedaha aan abuuray 20,000 wey ka badan yihiin 1954 geed ma jirin wixii geed oo weyn ah aniga ayaa ku beeray’’.

https://www.youtube.com/watch?v=pvK_XLjCjsA