Akhriso: Puntland oo shaacisay in Imaaraadaka Carabta Soomaalida u fududeeyay Visaha iyo deganaanshaha dalkaasi

Garoowe (Caasimada Online)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciay in dowladda Imaaraadka Carabta uu dadka  Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka, dal-ku-galka iyo deganaanshaha Imaaraadka Carabta.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas uu kasoo laabtay safar uu Imaaraadka todobaad ugu maqnaa. Waxaana war-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtoyada Puntland lagu sheegay in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka shacabka Soomaaliyeed iyo  Imaaraadka Carabta, islamarkaana kor u qaadeyso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda Imaaraadka ayaa madaxda maamul goboleedyada kala hadlaayo masiirka iyo arrimaha Somalia xili dowladdii dhexe ay go’aan cad ka qaadatay siyaasadda Imaaraadka, iyadoo dowladduna aysan qaadeyn tallaabadii looga baahnaa.

Dhawaan ayuu maamulka Somaliland sheegtay in Imaaraadku ogolaaday in Paasaboorka Somaliland lagu tagi karo Imaaraadka iyadoo loo saarayo Viso.