Boqor Buurmadoow oo ku dhex xanuunsanaaya Xabsiga & Xaaladiisa oo meelxun mareysa

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in laga deyrinaayo xaalada Boqor Cismaan Aw Maxamuud ‘’Buurmadoow’’ oo ku dhex xanuunsan xabsiga.

Buurmadoow oo weli ku jira Xabsiga Hargeysa oo ay dhawaan ku xukuntay Maxkamada ayaa la xaqiijiyay inuu la il daran yahay xanuunada nooca loo yaqaan ‘’dhiig karka’’ iyo Sokor.

Wararku waxa ay sheegayaan in Buurmadoow loola cararay isbitaal, hase ahaatee dib loogu celshay Xabsiga kadib markii maamulka Xabsiga la faray in lagu dhex daweeyo Xabsiga.

Maamulka Xabsiga ayaa diiday in Boqor Buurmadoow la dhigo Isbitaal inta uu ka caafimaadayo, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in arrinta Buurmadoow ay mareyso meelxun.

Maxkamada Hargeysa ayaa Khamiistii la soo dhaafay boqor Buurmadoow ku xukuntay 5sano oo Xabsi ah, iyada oo lagu eedeeyey in uu ku dhaqaaqay fal lidi ku ah Jiritaanka maamulka Somaliland.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ilaa iyo hadda ka hadlay xaalada caafimaad ee boqor Buurmadoow oo weli ku dhex xanuunsanaaya Xabsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com