Bajaajta wax ka weyn ayaa lagu sameeyey xiddigaha 17 Jirada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Baraha Bulshada ee Soomaalida qabsaday sawiro muujinayo xiddigaha 17 jirada Soomaaliya oo la saaray Bajaaj taasoo noqotay mid lala yaabay maadaama la filayey in loo sameeyo soo dhaweynta intaas ka weyn.

Haddii ay midaas la yaab kula noqotay, waxaa jiro arrin ka weyn oo Xiddigaha 17 jirada Soomaalida lagu sameeyey markii ay dalka ka baxayeen.

Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxaa dhacday in markii ay xiddigaha ka baxayeen Muqdisho loo diiday in la siiyo Baasaboorka muujinayo inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” waxaan idiin xaqiijinayaa in xiddigaha markii ay baxayeen loo diiday in la siiyo baasaboor, mana garanayo sababta keentay, dhawr jeer ayaan isku daynay balse Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa diiday inay nasiiso Baasabooro si ay xiddigahaan u matalaan dalka” ayuu yiri xubin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbixintaan.

Xubintaan ayaa sidoo kale Caasimadda u sheegay in markii ay soo dhawaatay bixintaan ay go’aansadeen inay u sameeyeen waraaqo midaas oo xiddigahaan ku keentay dhibaato xoog leh markii dalka Kenya lagu xayiray.

Ku dhawaad 2 saacadood ayaa lagu xayiray garoonka Diyaaraha ee Nairobi kadib markii la waydiiyey Baasabooro, waxayna saraakiisha garoonka sheegeen inaysan macquul aheyn inay aqbalaan Baasaboor la’aan weliba tiro intaan la eg.

” Xiddigaha iyadoo baasaboor wadan ayey ka dageyn dalka Kenya oo ay Transet ku ahaayeen, 2 saacadood ayaa la xayiray weliba si xun loola dhaqmay” ayuu yiri.

Dadaal dheer kadib oo ay sameeyeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn lagu fasaxay xiddigaha soo matalay Soomaaliya ee loo diiday inay qaataan baasaboorka Soomaaliyeed.

Xubintaan la hadlay Caasimadda Online ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay tallaabo ka qaado Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha isla markaasna wax laga waydiiyo sababta ay muwaadiniintaan Soomaaliyeed weliba matalayey dalka iyo Umadda Soomaaliyeed looga diiday qaadashada Baasaboorka.

” Waxaan madaxda ugu sareyso dalka ka codsanayaa inay arrintaan kula xisaabtamaan Madaxda hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha sababtoo ah waa wax laga xumaado oo aan la qaadan karin isla markaasna dhaawacay qaranimada Soomaaliya” ayuu sii raaciyey.

Xubintaan ayaa sidoo kale Caasimadda Online uga sheekeyey tallaabo lala yaabay oo ay qaaday Dowladda Kenya taasoo xiddigo da’dooda weyneyd u badashay baasaboorada si ay uga qeyb qaataan tartankii soo dhamaaday.

” Waxaa dhacday intuusan tartanka bilaaban in xiddighii ka socday dalka Kenya qaarkood oo da’dooda weyneyd loo badalay Baasaboorka, ma aamin kartiin in 2 saacadood gudahood baasabooro cusub loogu sameeyey si ay tartankaas qeyb uga noqdaan, arrintaasna waxay caddeyn u tahay sida ay dowladaha kale uga taxadaraan xiddigahooda, balse Madaxda hey’adda socdaalka ee Soomaaliyeed dareemkaas waa ka weynay ” ayuu  yiri.

Arrintaan ayaa ceeb ku noqon doonto dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha taasoo looga baahnaa inay xiddigahaan u fududeyso baasaboorada si ay u matalaan ummadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com