Hey’adda Hormuud Foundation oo 100,000 oo Dollar ugu deeqday Dadka ay daadadka saameeyeen Magaalada Beled Weyne

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay meel xun sii gaareyso dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay Hey’adda Hormuud Foundation ku dhawaaqday inay 100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar)  ugu deeqday Dadka ay daadadka saameeyeen.

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa sheegtay inay lacagtaan gaarsiin doonto dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne, waxayna lacagtaan hordhac u tahay gargaar Bini’aadanimo oo ay hey’adda ku garab istaageyso dadka ay sida weyn u sameysay daadadka uu sameeyey Wabiga.

War Saxaafadeed kasoo baxay Hey’adda Hormuud Foundation ayaa lagu yiri

” Ugu horreyn waan u duceyneynaa dadka ay daadadka saameeyeen ee ku sugan Magaalada Beled-Weyne, waxaan ugu baaqeynaa Dadkaan ay dhibaatadu gaartay inay ku sabraan isla markaasna ay muujiyaan dulqaad”

” Waxaan kharashkaan oo hordhac ah ugu talo galaynay in aan ku caawinno bulshadaas ku dhaqan Baladweyne, maadaama ay halkaas ka jirto musiibo u baahan in laga shaqeeyo sidii looga saari lahaa dadkaas”

” Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay iscaawiyaan, si gaar ahna loo garab istaagi dadka hadda ay saameysay daadadka kuwaas oo ay heysato hooy la’aan, Raashin la’aan iyo duruufo Bini’aadanimo”.

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo lacagtaas ugu qeybiso Magaalada Beledweyne dadka saameynta xooggan ku yeelatay daadadka kusoo fatahay Magaalada oo sababay inay isaga qaxaan ilaa 100 Kun oo Qoys halka ku dhawaad 30 kun oo  guri ay baaba’een sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Deeqda lacageed ay Hey’adda Hormuud Foundation ugu deeqday dadka ay daadadka saameeyen ayaa kusoo aadeyso  iyadoo safar uu Madaxweynuhu Maalin ka hor ku tegey Beledwdeyne ku tilmaamay Musiibo qaran isla markaasna uu ku baaqay in gargaarka deg deg ah lala soo gaaro.

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa looga bartay inay mar kasta Shacabka Soomaaliyeed la qeybsato dhibaatooyinka soo wajaho iyadoo ka qaadato kaalin muhiim ah waxayna weli shacabka Soomaaliyeed xasuustaan sidii weyneyd oo ay uga qeyb qaadatay musiibadii ka dhacday Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdsiho 14 october Sanadkii 2017.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com