Akhriso tirada Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii April ee 2018

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo kala duwan ayaa bishii April 2018 ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxyadan oo khasaaro kala duwan geystay ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qaraxyada Bishii April ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay April ay yihiin 9 Qarax.

Qaraxyada dhacay Bishii April 2018 ayaa u badnaa kuwa lagu xiro gaadiidka raaxada oo ay leeyihiin shaqaalaha iyo ciidamada dowlada.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA BISHII APRIL 2018 KA DHACAY MUQDISHO:

1-April 3, 2018, Qarax miino ayaa waxaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagula eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

2- April 4, 2018, Qarax miino ayaa lagu weeraray Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada oo maraayay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan sidaas uga sii fogeyn Isluulka Godey, waxaana ku dhintay Qaraxa Seddex ruux oo shacab ahaa.

3- April 6, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir,balse inta ay ciidamadu ku mashquulsanaayen kala eryinta shacabka uu naftii haligaha is Qarxiyay.

4- April 6, 2018, Qarax loo adeegsaday Gaari NOAHA oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay Bartakontorool oo Ciidanka Nabad Sugidda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo degeenka.

5- April 9, 2018, Qarax ka dhashay Bam gacmeed ayaa xili habbeen ah lagu weeraray ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgalo kawaday Isgooska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

6- April 9, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Xaawa Taako, waxaana gaari raaxo loogu xiray Oday lagu magacaabo Caraboow Cali Makaraan oo labadiisa lug ku waayay Qaraxa.

7- April 12, 2018, Qarax miino ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaa oo ay la kacday dad shacaba oo la socday Gaari nooca loo yaqaan dheenada xili uu gaarigaasi maraayay Waaxda Cumar Fiyaasko.

8- April 28, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari ayaa waxaa lagu dhaawacay Taliye ku-xigeenka ciidamada NISA ee Degmada Waaberi, kaasi oo ka dhacay xaafada Unisheefta Degmada Waaberi,Waxaana Gaariga qarxay lahaa ruux ka shaqeynaayay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya.

9- April 29, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Ceel Hindi oo ka tirsan Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana Gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda NISA. Waxaana Qaraxa ka badbaaday Sarkaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa intooda badan lala eegtaa Gaadiidka dowlada iyo kuwa shaqaalaha, waxa ayna u badan yihiin kuwa lagu xiro gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com