Itoobiya oo saami dhaqaale ku yeelaneyso dekadda Dooraale ee Jabuuti iyo heshiis dhex maray Abiy Ahmed iyo Geelle

Jabuuti (Caasimada Online)- Heshiiskaan oo dhigaayo in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga ceyriyay Imaaraadka Carabta in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya.

Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed uu ku yimid Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaran ee Itoobiya balan qaaday.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ka baxday heshiis horumarineed oo ay kula jirtay shirkadda DP World ee Imaaraadka, taasoo ku laashay markii ay ku cawdeen inay DP World kasoo bixi weyday heshiiskii horay loo galay.

Itoobiya aya sidoo kale, salami 19% ku leh heshiiiska seddax geesood ee dekadda Berbera oo ka dhaxeeyo Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com