Askari iyo Haweeney Ganacsato ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo sababta loodilay

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Baar Ubax ee degmada Warta Nabadda  waxaa ay sheegayaa in halkaas koox hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo Haweeney Qaadk ku iibineysay goobta.

Weerarka ayaa lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo haweeney Qaadka iibisa xilli uu askariga ku sugnaa Kabar Qaadka lagu iibiyo, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo ag dhowaa goobta, markii rasaas xoog leh mar qura lagu furay.

Meydka askariga iyo haweeneyda ka mid ahayd ganacstada Qaadka ayaa laga qaaday goobta markii ay gaareen ciidamada amniga, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay oo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Kooxda weerarka qaaday ayaa wadatay Gaari yar oo nooca raaxada ah, waxaana la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado, halka warar kale sheegayaan inay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada ayna wateen qoryo.

Xaaladda ayaa caadi ku soo noqotay kadin muddo saacad ku dhow oo Isgoyska Baar Ubax uu galay xaalad jahawareer ah waxaana rasaas furay ciidamda amniga ee halkaasi gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com