Shirka looga hadlayo Amniga Soomaaliya oo ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Brussels-(Caasimadda Online)-Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels dalka Belgium.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya shirka iyadoo ay wehliyaan Madax ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka ah Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Amniga iyo xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb galaya oo Ra’iisul Wasaaraha la shir guddoominaya La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid Muuse Cali.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qorshaha kala guurka sidii Ciidamada Qaranka ay Amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo muddo 11 sano dalka ku sugan.

Waxyaabaha laga filayo in laga soo saaro shirkaan waxaa ka mid ah dhismaha Ciidamada qalabka qaab dhismeedkooda, sidii loogu diyaarin lahaa in amniga dalka ay kala wareegaan AMISOM.

Shirkan kii ka horeeyay wuxuu ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay shir kale in la isugu yimaado, kaasi oo maanta furmay.

Dowladaha reer Galbeed ayaa wada qorshayaasha kala duwan ee dhanka ammaanka Somaliya, iyadoo dowladda Somaliya loo keeno kaliya ajandayaal ku aadan shirarka amniga.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com