Xog: Maxaa kasoo baxay isku daygiii lagu heshiisiinayey Soomaaliya iyo Itoobiya ee Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Dadaallo diblomaasiyadeed oo ay si hoose u wadeen Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo lagu xalin lahaa xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu guul-darreystay, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay. 

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Janaayo, kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo uga beddelaneysa inay ka hesho bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. 

Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadaas, waxayna u yeeratay safiirkeedii Addis-Ababa, ayada oo wacad ku martay inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya ay maalmihii dhowaa ku sugnaayeen Nairobi, balse aysan kulmin ama yeelan wada-hadallo toos ah. 

Dowladda Kenya ayaa fulineysay diblomaasiyad loogu kala dab qaadayo labada dhinac, ayada oo dadaalkan uu amray madaxweynaha Kenya William Ruto, oo xal u raadinaya xiisadda gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ah inaysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Itoobiya, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland.

Warkan cusub ayaa imanayada ayada oo shalay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ay werisay in Itoobiya ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska. 

Bloomberg ayaa ilo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Itoobiya ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.