Feysal Waraabe oo si yaab leh u weeraray Fiqi, CC Shakuur iyo Odawaa + Jawaabta Fiqi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi.

Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dhar  ay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya.

Feysal ayaa soo qaatay sawir ay maasuuliyiintaan galeen sagaashameeyadii, isagoo yiri “Dharakii Daroodku ka Carareen  markii Siyaad Barre ka baxay Mogadishu 1991 Yaye gaashadeen. Kuwaa maanta leh waanu talininan. Waa yeeydi oo Siyaad Barre shiigay. Tuulo ma maamuli karaan.”

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabay hadalka guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay ku mashquulsan yihiin dharka masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Balse Fiqi wuxuu sheegay in ayaguna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu cadeyn lahaayeen masuuliyiinta Somaliland “beenta ay bulshada u sheegayeen muddo 30 sano ah.”

“Dheriga waxaa kulaylka ka keena waa karka. Faysal Waraabe adna waxaad ku mashquulsan tahay dharkayaga annaguna sidii beentaad sheegaysay 33 sano meesha looga saari lahaa.  Weli la isma gaadhin huuno!” Ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa ka mid ah masuuliyiinta ay madaxda Somaliland aad u hadal hayaan markii ay ka hadlayaan arrimaha Soomaaliya, maadaama uu xubin firfircoon ka ahaa masuuliyiintii dowladda federaalka u qaabilsaneed wadahadalada Somaliland.

Wadahadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fashilmay markii uu Muuse Biixi badda u saxiixay Itoobiya.