Xog: Maxaad ka ogtahay qorshaha C/Weli Gaas uu ka lee yahay mushahar la’aanta ciidamadiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili Taliyayaasha iyo Ciidamada Maamulka Puntland ay sameynayaan gadood la xiriira Mushaar la’aanta ka heysata Maamulka Puntland ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay aqoonyahan xog badan ka haya.

Axmed Saciid Faarax oo ah bare wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas uusan ahmiyad gaar ah siineynin Ciidamada Maamulka, taasi oo uu sabab uga dhigay Ciidamo kale oo uu diyaarsaday.

Aqoonyahanka waxa uu sheegay in Gaas uu isku haleynaayo Ciidamada PS-ta ee ka howlgala deegaanada Puntland kuwaasi oo ay mushaar siiso Dowlada Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Ciidamadaasi ay heystaan tababaro aad u sareeya islamarkaana Gaas uu is leeyaha haddii ay Ciidamadu godoodan iyaga ayaa ku filan amaanka Gobolka.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada Militeriga iyo Booliska Puntland ay kawada siman yihiin mushaar la’aanta taasina ay ugu wacan tahay dhibta Maamulka uu ku hayo Ciidamadii sugi lahaa amaanka.

Waxa uu cadeeyay in iminka Maamulka uu xoogga saarayo kaliya Ciidamada looyaqaano PS-ta ee uu Mareykanka tababaray Mushaarkoodana bixiyo.

Axmed ayaa intaa ku daray in arrinta la xiriirta dayacaadda Milatariga ay tahay mid laga leeyahay dano fog oo ay ajanabi wataan islamarkaana lagu doonayo in Milatariga Puntland lagu kala diro.

Haddalka aqoonyahanka ayaa imaanaya xili maalin un ka hor Taliyaha guud ee Milatariga Puntland Saciid dheere uu sheegay in uu is-casilayo kadib markii uu ku guul darreystay in Ciidamada Puntland ay helaan xuquuqdooda ciidanimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com