Gudomiyaha Hiiraan oo magaca Somalia heshiis uga saxiixay shirkad ajnabi ah (Side ku dhacday)

Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Soomaali iyo Masaari ah ayaa isla gaaray Heshiis is-af garad ah oo lagu dhisayo shirkad ay leeyihiin Soomaalida iyo Masaarida taasoo masuul ka noqoneysa is-kaashiga Ganacsiga labada dal.

Heshiishka dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay Masuuliin Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifaax Xasan Afrax. Shirkaddaan ay leeyihiin Masaarida iyo Soomaalida oo loogu magac daray Shirkadda Soomaalida iyo Masaarida ee hormarinta iyo Ganacsiga ayaa Fududeyneysa waxyaabaha laga soo dhoofinayo Soomaaliya sida Xoolaha nool, kaluunka iyo waliba miraha macaan sida Muuska.

heshiis-Masar-somHeshiiska ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqaya in Shirkaddaan masuul ay ka noqoto waxyaaha Masar ay u iib-geyneyso Soomaaliya sida Daawada, raashinka iyo Qalabka Dhismaha.

Cabdifataax xasan Afrax Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo aan kula kulmay Magaalada Qaahira ayaan wax ka weydiiyay waxyaabaha labada dhinac ay ku heshiiyeen, waxa uuna ii sheegay in heshiishka is-afgaradka ee labada dhinac ay gaareen uu yahay mid aad u balaaran oo dowladaha Masar iyo Somalia ay isaga kaashanayaan dhinacyada Ganacsiga iyo beeraha.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ii xaqiijiyay in Bil kasta Soomaaliya laga soo dhoofin doono xoolo gaaraya 75 kun oo neef oo isugu jira Geela, Ariga iyo Lo’ada. Talaabadaan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo suuq fiican loo helo Xoolaha nool ee Soomaaliya dalkani Masar 25 sano ka dib,

Sanadaihii ugu dambeeyay ganacsato Suudaan ah ayaa xoolaha Soomaali u iib keeni jirtay dalka Masar. Dowladda Masar ayaa 25-kii sano ee ugu dambeysay hilibka xoolaha ka soo iibsan jirtay dalal ku yaala Laatiin America sida Dalka Brazil.

Shirkaddaan Soomaalida iyo Masaarida ay ku mideysan yihiin ayaa Fursad u siineysa Soomaalida in Suuq fiican ay u helaan Xoolaha nool iyo waliba Dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaaliya.

Lama oga qaabka Guddoomiye Gobol heshiis ugu geli karo magaca dowladda Soomaaliya, waxaa kaloo hore u dhacday in wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ay heshiis kan oo kale ah la saxiixdeen Masar, iyagoo aanay muuqan baahi keentay in gobol kasta uu heshiis la saxiixdo dowlad ama shirka ka dhisan dal kale.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com