Puntland oo hurineysa dagaalada ka socda Sool

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Cabdulaahi Maxamed oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Sool ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay deegaanka Qorileey kaasi oo u dhaxeeyo beelo kasoo kala jeedo Khaatumo iyo Puntland.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada ka dhacaya gobolka Sool iney riixayaan siyaasiyiin ka tirsan maamulka Puntland oo doonaya iney damac siyaasadeed ku gaaraan deegaanka Qorileey dagaalada ka dhacaya.

Xildhibaan C/rashiid, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland iney hurinayaan dagaalada ka dhacaya deegaanka Qorileey ee gobolka Sool, kaasi oo sababay dhimashada, dhaawaca iyo barakac dadka deegaanka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa sidoo kale waxaa soo kala gaaray waxyeelo kala duwan, waxaana wali taagan xiisada dhanka dagaalka ee u dhaxeysa Reeraha ku kala Abtirsada Khaatumo iyo Puntland.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Puntland iney joojiyaan taageerada hal dhinac oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya isagoo sheegay in dagaaladaasi ay sababeen waxyeelo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com