Xildhibaanada oo ka laabtay wada-hadalkii Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu sheegay 7-da Bisha October in wada hadal ay isugu imaanaayo Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha qudhiisa, ayaa qaar ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka wada waxa ay sheegayaan inaysan wax wada hadal ah la galeyn Madaxweynaha.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay hadii Guddoonka Baarlamaanka uu go’aan ka gaaray Mooshinka, aysanba jirin wax laga wada hadlo.

Wuxuu sheegay Guddoonka inuu go’aan gaaray, meesha aysanba oolin wax ay ka wada hadlaan Xildhibaanada iyo Madaxweynaha, maadaama Go’aanka uu gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid cad.

“Mar hadii uu Qoraal u gaar ah soo saaray, wax laga wada hadlo ma jirto, howsheena waan wadannaa, waana wadan doonnaa, sharci yaqaanadeena iyo looyaradeena maanta ayeey noo soo saarayaan arrimaha sharci ee aynu ka dalbanay, waana la wadaagi donnaa isaga oo Guddoomiyaha ah, Baarlamanaka iyo caalamka.” Ayuu ku waramay Xildhibaan Aabi

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan, ayaa sidoo kale dhaliilay qaabka Guddoonka Baarlamaanka Somaliya uu u soo xiray Baarlamaanka Somaliya.

“Jawaari waa Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu shir Guddoomiyaa kulamada Xildhibaanada, isaga oo jooga Villa Hargeysa ayuu sheegay inuu xiray Baarlamaanka, iska xir ma ahan Baarlamaanka ee sharci loo xiro buu leeyahay” ayuu yiri Xildhibaan Aabi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa xilligaan la kulmaayo dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Somaliyed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com