XOG: Maxay Dowladda Soomaaliya uga noqotay mamnuucistii dabaal degga kirismiska shalay?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa culeys weyn kasoo wajahay amar ay wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo maamulka Gobolka Banadir soo saareen oo ku saabsan inaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin xuska ciida masiixiga ee Christmas-ka, oo shalay ku beegneyd kadib markii uu codsi ahaan u soo jeediyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dib uga laabtay go’aankiisii isagoo sheegay in mamnuucista uu soo saaray ay khuseyso oo kaliya dadka muslimiinta ah.

Waxaa sidoo kale wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay inuusan jirin amar rasmi ah oo dowladda kasoo baxay kuna saabsan in la mamnuucay dabaaldega ciida masiixiga.

Arrimahan oo dhan waxay soo baxayaan iyadoo warbaahinta caalamka, siiba kuwa reer galbeedka ay si weyn buunbuuniyeen arrintan oo waregsyada waaweyn ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay ka dhigeen qodobo waaweyn oo dowladda Soomaaliya madaxdeeda dusha laga saaray sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si weyn uga carooday amarka uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow isagoo laga dareemay inuu culeys kasoo food saaray dalalka reer Galbeedka.

Arrintan ayaa ku keli ahayn Soomaaliya, waxaana amarro sidan oo kale ah qaatay dalal ay ka mid yihiin Brunei iyo Tajakistan, laakiin iyadoo dowladda Soomaaliya ay tahay mid liidata ayaa waxay dhalisay in madaxda Soomaalida ay isku qabsadaan oo dib uga noqdaan amarradii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com