Sawirro: Taliyaha xooga dalka oo tagay Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada xooga dalka ee magaalada Kismaayo ku sugan.

Generaal Maxamed Aadan Axmed, ayaa waxaa safarkiisa magaalada Kismaayo ku wehliya saraakiil ciidan ,waxaana ay magaalada Kismaayo markii ay tageen kadib booqdeen xerooyin ciidan oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo.

Taliyaha iyo Saraakisha la soctay ayaa losoo gudbiyay Aqalka Madaxtooyada uu ka daganyahay Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe igagoona halkaas kula kulmay Axmed Madoobe.

Kulanka Taliyaha iyo Madaxwaynaha ayaa markii  uu soo dhamaaday waxa uu Taliyaha u gudbay Xarunta Jaamacada Duleedka kismaayo halkaas oo ay ku jiraan Ciidamada 43 xaad ee Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha iyo Saarkiishiisa ayaa intii ay kormeerayeen Xerada Ciidamada 43 xaad ee Xoga Dalka Soomaaliya waxayna mid mid gudaha ugu galeen Dheentooyinka Ciidanka ay ku hoydaan

DSC_0686 DSC_0688 DSC_0727 DSC_0738 DSC_0751 IMG_3380-300x230

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com