DFS oo xirtay Iiraaniyiin iyo xiisad ka taagan..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalo ay sameeyen ciidamada NISA ayaa waxaa lagu soo qabqabtay Saraakiil kasoo jeeda dalka Iraan iyo kuwo Soomaali ah.

Saraakiisha Iiraaniyiinta iyo kuwa Soomaalida ah ayaa magaalada Muqdisho kawaday Barnaamij lagu faafinaayo Shiicada, kuwaasi oo faafinta fakirkaasi u adeegsanaayay Hay’ad lagu magacaabo Al-khumayni.

Hay’adda Al-khumayni ayaa dhamaadka asbuucii tagay magaalada Muqdisho ka bilowday deeq ay gaarsiineysay dadka tabaaleysan si looga dhaadhiciyo fakirka Shiiceynta.

Hay’adda Nabadsugida oo arrintaasi ka warheshay ayaa howlgal ku qaaday dhismo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ku noolayeen Saraakiisha Iiraaniyiinta iyo kuwa Soomaalida ah, halkaasi oo laga soo saaray ilaa 6 ruux oo isugu jiray Iiraaniyiin iyo Soomaali ku howlanaa Barnaamijka Shiiceynta.

Hay’adda Al-khumayni ayaa hoostagta safaaradda Iiraan ee Somalia, iyadoona dadkii howshaasi waday gabi ahaantooda Jeelka la dhigay.

Hay’adda Nabadsugida ayaa hadda gacanta ku heysa ilaa 6 kamid ahaa shaqaalihii Iiraanta iyo Soomaalida ahaa kuwaasi oo lacag iyo raashiinba ku bixinaayay sida Somalia loo gaarsiin lahaa Shiicada.

Dhaka akle, Safaarada Iiraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hoos shaqeeya Xarumo dhowr ah oo laga faafiyo Shiicada, waxa ayna DFS amar ku bixisay in gabi ahaan la xiro xarumahaasi islamarkaana ay shaqeyso kaliya Safaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com