Daawo sawir muujinaaya calanka loo sameeyey maamulka cusub ee Bakool looga dhawaaqay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa looga dhawaaqay maamul cusub oo ay garab boodayaan Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Ogaden.

Maamulka cusub oo dhismihiisa looga soo horjeedo maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa lagu doortay sida aan horayba u baahinay Madaxweyne iyo ku-xigeen, waxaana doortay tirro Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Beesha Ogaden kuwaasi oo deegaan ku ah Dagmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Maamulka Bakool Sare ayaa waxaa hoostagi doona Degmooyin lagu kala magacaabo Ceelbarde Aato iyo Yeed, kuwaasi oo badi ay ku noolyihiin dad reer mii ah.

Axmad Sheekh Maxamed Loxos ayey xulufadaasi u doorteen madaxweynaha Gobolka Bakool Sare, halka ku-xigeena looga dhigay Cabdullaahi Sahal Xuseen.

Calanka loo sameeyay maamulkaasi ayaa u muuqaal eg kan maamulka Jubbaland, markii laga reebo 3 xidig oo dheeri ku ah calankaasi, waxa ayna taasi muujineysaa halka laga leeyahay fakirka lagu kala jaraayo maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.
Bakool Sare