Odayaasha Hiiraan oo diidmo ka keenay ka qeyb galka shirka ka furmi doona magaalada JOWHAR

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan ay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku qaaten Odayaasha iyo waxgaradka Gobolkaasi ayaa waxaa lagu qaaday go’aankii maalmo un ka hor uu madaxweyne Xassan ku qanciyay Odayaasha Hiiraan.

Odayaasha iyo Waxgaradka Hiiraan ayaa kulankooda kadib shaaciyay inay ka laabteen Heshiiskii ay la gaaren madaxweyne Xassan ee ahaa in Gogosha shirka ay ka fidsan tahay magaalada Jowhar.

Dacar Xersi Nuur oo ah Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqank Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay ka laabteen go’aankii hore islamarkaana aysan aadi doonin magaalada Jowhar.

Dacar ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in shir ay uga qeyb galaan Jowhar, waxa uuna carabka ku dhuftay in go’aankaasi uu yahay mid ay ka mideysan yihiin Odayaasha iyo waxgaradka.

Kulanka ayaa waxaa dhanka dhalinyarada u matalaayay Tawane Sabriye oo ah Gudoomiyaha Qurba Joogta Gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay in shirka ka furmi doona magaalada Jowhar uusan aheyn mid loo dhan yahay DFS looga baahan yahay inay dib u milicsato qaabka loo qorsheeyay shirkaasi.

Tawane ayaa sidoo kale sheegay in wali aan leysku waafaqin in laga qeybgalo shirka Jowhar, islamarkaana Beelaha qaar ay tabasho muujinayaan.

Go’aankaani kasoo yeeray Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya maalmo un ka hor markii madaxweyne Xassan Sheekh uu cod dheer ku sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ay ku heshiiyen in Gogosha shirka ay taallo magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com