Jeesoow oo ugu danbeyn la saftay Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga BFS Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo la hadlay Saxaafada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in Odayaasha Gobolka Hiiraan ay u jilicsanaadan awaamirta kasoo baxeysa Xafiiska Madaxweynaha Somalia iyo kan arrimaha Gudaha.

Jeesow ayaa sheegay in nasiib darro uu u arko in Heshiis ay Odayaasha la gaaren Madaxda dalka ay haddana buuq iyo diidmo ka keenaan, waxa uuna sheegay in DFS aysan Odayaasha iyo Beelaha degan Hiiraan waxba ka sameyn islamarkaana ay Dowladu u dhicisay xuquuqdooda.

Waxa uu sheegay Jeesow in Idaacadaha qaar uu ka maqlaayo guux Siyaasadeed ay muujinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna arrin laga xumaado ku tilmaamay in laga weecdo heshiisyadii ay wada galeen Madaxda dalka iyo Odayaasha Hiiraan.

Jeesow Tanaasul ayuu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe in ay sameeyaan si loo dedejiyo dhismaha Maamulka lagu mideenayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

”Waxaan qabaa in mar waliba ay jireyso tabasho balse waxaa ila quman in mar waliba loo nuglaado in la muujiyo tanaasul, waayo ma jirto cid si gaar ah ay DFS ugu tiigsatay labada dhan wey helayaan xuquuqdooda weyna ku farxi doonaan waxa ay kala kulmi doonaan Dowlada ee aan muujino tanaasul iyo adkeysi”

Madaxweyne Xassan iyo Wafdigiisa ayuu sheegay in booqashadii ay ku gaaren magaalada Beledweyne ay ku qanciyeen Odayaasha Hiiraan loona baahan yahay in Odayaashu ay Heshiiskaasi war ka keenin kuna qancaan ballanqaadyadii uu madaxweynaha u sameeyay ee ahaa in gogosha Shirka Maamul u sameynta labada Gobol la dhigayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Haddalka Jeesow ayaa imaanaya xili booqashadii Madaxweyne Xassan ee Beledweyne kadib ay Odayaasha qaar guux ka keeneen ballamihii uu la galay madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com