BAKOOL oo looga dhawaaqay maamul cusub iyo madaxweyne iyo Ku-xigeenkiisa oo la doortay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ergadii maalmahaani ku shirsaneyd Dagmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ay goordhow halkaasi ku doorteen Madaxweynaha Ismaamulka Bakool Sare.

Maamulka cusub ee loogu wanqalay Bokool Sare ayaa waxaa loo dhisay Dagmooyinka Yeed, Aato iyo Ceelbarde.

Madaxweynaha maamulkaasi ayaa waxaa iminka loo doortay Axmad Sheekh Maxamed Loxos (Axmad Mashruuc) kaasi oo noqon doono Madaxweynaha cusub ee maamulka Bakool Sare.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi ayaa waxaa isna loo doortay Cabdullaahi Sahal Xuseen (Cabdullaahi Nirig).

Maamulkaani ayaa waxaa wata Xildhibaano ka tirsan BFS oo kasoo jeeda Beesha Ogaden, waxaana lasoo warinayaa in dhaqaale adag uu ku bixiyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ergada halkaasi madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku dooratay ayaa cod dheer ku sheegay in maamulka uu kamadax-banaanyahay maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dhanka kale, Siyaasada lagu yagleelay maamulkaasi cusub ayaa ah mid lagu dulminaayo maamulka Koonfur galbeed, waxaana looga soo horjeeda Baarlamaanka cusub ee dhawaan uu yeeshay maamulka Shariif Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com