Xog: Maxay ku heshiiyeen Cabdiraxman Cabdishakuur, Kulane iyo Saadaq Joon?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu weyn ee maanta waxay aheyd kulan xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Seddexda Nin hadda waxay ka wada tirsan yihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda, laakiin waxaa u dhaxeysay tabasho weyn oo la xiriirtay dhacdooyinkii dhacay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xalay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor wuxuu dalbaday inuu arko Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortay Galmudug, intooda hadda ku sugan Dhuusamareeb, markii uu xoogaa socday kulankii caadiga ahaa Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu codsaday inuu gooni u arko Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana la sheegay inay markaas xafiiskiisa gaarka ah horay usii fadhiyeen Saadaq Joon iyo Kulane Jiis.

Kulanka dhinaca Qoor Qoor, Kulane iyo Joon wuxuu ka ahaa mid qorsheysan, balse Cabdiraxmaan waxaa looga dhigay kedis, haddaba markaas kadib maxaa dhacay?

Xogta aan kula wadaageyno waxaan ka qaadnay mid kamid ah Afarta siyaasi ee kulmay xalay. Qoor Qoor ayaa hadalka qaatay wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda cafiska, inay muhiim tahay in loo midoobo danaha Galmudug, inuu seddexdoodaba isagu madax u yahay iyo inuu rabo inuu Cabdiraxmaan cafiyo labada Nin ee kale.

Labada Nin ee Kulane iyo Saadaq Joon isku kiis maaheyn. Cabdiraxmaan iyo Kulane waxay isku hayeen siyaasad, balse markii ay Nabad sugiddu weerartay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane kama tirsaneyn hey’adda Nabadsugidda, kumana jiro dadka ku eedeysan weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ee lagu laayey ilaaladiisii.

Kala aragti duwanaanta u dhaxeysa kooxda Farmaajo iyo Cabdiraxmaan, ayaana sal u ah khilaafka Cabdiraxmaan iyo Kulane, labadaas Nin kiiskooda waa fududaa, wuxuuna Qoor Qoor ka codsaday inay madmadowga meesha ka saaraan oo ay si calool fiyowbi leh u macaamilaan.

Kiiska Saadaq Joon isagu wuxuu la xiriiray weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur bartamihii bishii December 2017-kii.

Saadaq Joon wuxuu ku jiraa Lix qof oo uu dacwad ka gudbiyey xisbiga Wadajir. Xalay ma aheyn markii koowaad oo ay is arkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Saadaq Joon oo marar badan ayey is arkeen oo ay wada shaqeeyeen, intii lagu jiray dagaalkii loo bixiyey (Badbaado Qaran), balse xalay toos ayaa loo dul istaagay kiiskaan.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay xigto hoose yihiin Saadaq Joon ayaa cudurdaar beeleed iyo mid hogaamineedba ka bixiyey eedda uu CC Shakuur Warsame u heysto Saadaq Joon, wuxuuna codsaday inuu Cabdiraxmaan cafiyo oo hadda kadib la wada shaqeeyo.

Saadaq Joon wuxuu goobta raali gelin ku siiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane isna wuxuu ka cudur daartay haddii ay jiraan wax tabasho ah oo dhankiisa kasoo gaaray.

Kadiba waxaa hadalka qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu aqbalay cafiska iyo garowshiyaha ay labadaasi Nin ka bixiyeen dhacdooyinkii lasoo dhaafay, waxaana la isla qaatay inay si dhow u wada shaqeeyaan dhammaan xubnaha laga soo doortay Galmudug.