Xog ku ku saabsan qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay qaraxyo xooggan oo dhowr ah iyo weeraro la socday ku qaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasiamdda Soomaaliya. 

Qaraxyada iyo weerarada ayaa ka dhacay dhanka degmada Kaxda iyo kale xaafadda Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo booliska Soomaaliya.

Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, kadibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, oo lagu qaaday isla saldhigga, taasi oo socotay ku dhowaad saacad.

Ku dhowaad nus saac kadib ayaa waxaa dhacay qarax labaad oo culus oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam, kaasi oo uu la socday weerar la sheegay in lagu qaaday guddoomiye ku-xigeenka degmada Heliwaa oo ku sugnaa xaafaddaas.

Qaraxyada iyo weerarada ayaa aad u cuslaa, waxaana laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Booliska Soomaaliya ayaa goor dambe sheegay in la iska baaciyey weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xaafadda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin weerarka. 

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlayo. Madaafiic ayaa sidoo kale ku dhacay xaafado ka tirsan inta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Shangaani.

Iska hor-imaadyada ayaa hadda joogsaday, mana jiraan wax dhawaq rasaas ah ama qaraxyo ah oo la maqlayo.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradan, oo yimid xilli amniga caasimada Soomaaliya uu faraha kasii baxay bilooyinkii ugu dambeeyey.

Muqdisho ayaa shan sano oo uu xukumayey Farmaajo ka dhaxashay Al-Shabaab sidii hore ka xoog badan, oo saacaddii ay doonta soo weerarta magaalada, sidoo kalena canshuurta ganacsi kasta oo ku yaalla magaalada