Xog: Mooshin cusub oo Jawaari loo gacan galiyey lana filayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoonsiiyay Mooshin ka dhan ah Wasiirka wasaarada Maaliyadda Xukuumada Somalia Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Jimcaale Faarax.

Xildhibaanada Mooshinka u gacan galiyay Jawaari ayaa waxa ay mooshinkooda u cuskadeen Musuq-maasul lagu sameeyay hantida Qaranka Somalia, Mushaarka Shaqaalaha Dowlada oo leys dabamariyay, dhaqaale ay bixisay Dowlada Turkiga oo aan ku dhicin qasnada dowlada iyo Hanti dhowrka guud oo u bareeray ka gaabinta xatooyada ay Xildhibaanada ku eedeeyen Fargeeti.

Xildhibaanada ayaa mooshinkooda ku dalbaday in labadaasi mas’uul si dhaqsi ah lagu horkeeno si ay wax uga weydiiyaan lunsashada hantida Qaran.

Xildhibaanada ayaa Mooshinkooda ku cadeeyay inay hayaan cadeymo marqaati u ah musuqa ay ku kaceen Wasiirka maaliyada iyo Hanti dhowrka oo u fududeynaayo boobka lagu hayo miisaaniyada shaqaalaha iyo ciidamada.

Ugu danbeyntii, Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha ka dalbaday in lasoo dadajiyo Mooshinka labadaasi mas’uul ay ku dalbanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com