Muran ka taagan shaqo ka fadhiisinta MAAREEYAHA hay’ada duuulista ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya shaqo ka fadhiisin July 10, 2018  lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta maareeyaha ay khilaaf ka dhex abuurtay Madaxtooyada Somalia oo ku kala aragti duwan go’aanka shaqada looga fadhiisiyay maareeyaha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa aad u dhaliilsan go’aanka Yuusuf Jaalle looga fadhiisiyay shaqada, halka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar oo go’aankan qaatay ay ku qaaxeen tallaabo sax ah.

Madaxweynuhu waxa uu ilaa iyo iminka amrayaa in dib loo fasaxo shaqada maareeye Yuusuf Jaalle oo dhawaan la hakiyay.

Madaxtooyadu waxa ay wali ku murunsan tahay shaqo ka fadhiisinta Yuusuf Jaalle, taa oo sababtay in xitaa hakat uu ku imaado qorsho ay Madaxtooyada ku dooneysay isbedel dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo xafiisyo dhowr ah.

Shaqo ka joojinta ayaa waxaa isla waday Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Oomaar oo mas’uulkaani ku eedeeyay inuu ka gaabiyay howsha loo igmaday, iyadoo ay horay u jirtay dacwado badan oo ka imaanayay maareeyaha.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dib uga arinsanaaya shaqo ka fadhiisinta maareeyaha waxaana suuragal ah in dib loogu fasaxo shaqadiisa, sida uu iminka yahay qorshaha socda.

Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa April 26, 2017 magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin sidaa oo kale ku waayay xilalkooda ayaa horay muran uga dhex abuuray madaxda ugu sareysa ee dalka, waxa ayna tani sii xoojineysaa muranadii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com