Dowladda Soomaaliya oo soo saartay qoraal jawaab u ah hadalkii IMAARAADKA

Muqdisho (Caasimada Online) -vDowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal jawaab u ah hadalkii kasoo baxay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Midowga Yurub oo dhowaan ka qeyb-galay shirkii Soomaalida ee magaalada Brussels.

Safiirkaas oo lagu magacaabo Mohamed Essa Bu Shehab Al Suwaidi, ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay dhowrista midnimada iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan xuseynaa oo aan soo dhoweyneynaa ka qeyb-galkii Imaraadka Carabta ee shirkaas iyo hadalkii ka dambeeyey ee ahaa inay dhowrayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya”.

“Waxaan Imaaraadka la wadaagaynaa sida ay uga go’an tahay dhisidda nabadda iyo barwaaqada gobolka. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweneysaa baahi kasta oo loo qabo in lasii dheereeyo ajandahan muhiimka ah”

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkoodu aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bishii June ee sanaddii 2017 ay billaabatay xiisadda khaliijka, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay la safato isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kana noqotay dhex-dhexaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com