Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan la hadal hayo in Doorashada Aqalka Hoose ee BFS ay ku socto qaab Musuq-maasuq ah, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Iidle Geeddi oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee DFS.
Maxamed Iidle, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Doorashada Aqalka Hoose ay saldhig u noqoto Musuq-maasuq iyo Laaluush aan ganbasho laheyn.
Maxamed Iidle, waxa uu farta ku goday in inta badan Xildhibaanada la doortay loo adeegsaday Laaluush, waxa uuna su’aal ka keenay sida uu xaalku noqon doono marba haddii leysku soo doortay Laaluush.
Wuxuu tilmaamay inuu jiro qaladaad islamarkaana meel sare uu gaaray musuqa iyo laaluush bixinta arrintaasina uu masuul ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanada ugu badan ayuu sheegay inay kusoo baxeen ragg rafiiq la’ ah Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh.
”Waxaa baryihii danbe Doorashada kusoo baxaayay ragg Xasan Sheekh garab u ah, waxaana halkaani ka cadeynayaa in Doorashada loo adeegsaday qaab Musuq-maasuq iyo Laaluush ah”
Waxa uu arrin qatar ah ku tilmaamay in masiirka umadda Soomaaliyeed marba dal la geynayo sida Imaaraadka oo uu soo hadal qaaday.
Xildhibaan hore Maxamed Geeddi Iidle ayaa sheegay in maamul goboleedyada aynaan wax ka qaban Karin cabashooyinka laga muujinayo musuqa iyo laaluushka.
Haddalka Xildhibaan hore Maxamed Geeddi Iidle ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay Beesha Caalamka qeyla dhaan ka muujisay qaabka loo musuq-maasuqaayo Doorashada Aqalka Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com