Xog: Muxuu ku saabsanaa kulanka Xasan Kheyre iyo Hailemariam ee New York?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York kula kulmay dhigiisa Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xarunta Qunsuuliyada Ethiopia ee magaalada New York, kadib markii uu halkaa booqday Ra’isul wasaare Kheyre.

Nuqul qoraala oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul uu ahaamid salka ku hayay xiriirka labada dal, Amniga, Siyaasada, Iskaashiga iyo Arrinta Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax.

Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre uu kulanka ka sheegay doorka muhiimka ah oo ay Ethiopia ku leedahay dedaalada loogu jiro Xasilinta iyo Horumarinta Somalia.

Kheyre waxa uu sheegay in dowlada Ethiopia ay u taagan tahay xal u helida xaaladaha cakiran ee ka jira Somali, waxa uuna arrin wanaagsan ku sheegay sida ay Ethiopia uga go’an tahay xasilinta Somalia.

Kheyre waxa uu kulanka Qunsuuliyada Ethiopia ee magaalada New York ka sheegay in Somalia aysan gabaad unoqon doonin kooxo khatar gelinaya amniga iyo xasiloonida Ethiopia ayna si wadajir ah ula dagaalami doonaan kooxahaas.

”Waxaan xaqiijinayaa in dowladayadu aysan ka raali noqon doonin in Kooxaha argagixisada lidka ku ah danaha Ethiopia gabaad ka dhigtaan Somalia”

”Ma dooneyno in ruux mucaarad ku ah danaha Ethiopia uu ku sugnaado Somalia, waxaan ku rajo weynahay in Ethiopia ay sidaa ula shaqeyn doonto Somalia si leysaga kaashto dagaalka argagixisada”

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa dhankiisa ka xusay in mowqifka Ethiopia uu yahay in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Waxa uu Hailemariam sheegay in dowladiisu aysan ka raali noqon doonin in la carqaladeeyo danaha Somalia, waxa uuna ballanqaaday inay xooga saari doonaan sidii ay Somalia u heli laheyd amni.

Hailemariam wuxuu sheegay in dowladiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto dowlada Somalia maadaama Ethiopia ay danaynayso in dowladaha deriska ah ay la yeelato xiriir wanaagsan.

Dhinaca kale, kulanka Xasan Kheyre iyo Hailemariam ee ka dhacay Qunsuliyada ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee dhexmara tan iyo markii Cabdikariin Sheekh Muuse ”Qalbi dhagax” loo gacangalshay Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com