24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Xog: Muxuu safiirka Mareykanka ee Somalia ka doonay Hargeysa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Soomaaliland waxaa booqasho ku tegay wafdi uu hoggaaminayay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano.

Safiirka waxaa socdaalka ku wehlinayay Madaxa Hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibadda ee USAID.

Wafdigani waxay kulamo la yeesheen Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliland, ahna Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi (Saylici), Golaha Wasiirada iyo sidoo kale Guddida Doorashada.

Kulanka kadib ayay warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalkooda, waxayna sheegeen in uu la xiriiro Doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan iyo arrimo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60