Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka uu Qoor Qoor ku hayo xildhibaan SAABIR?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shalay shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#71, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maanta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan ee Habargidir.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sababta doorashada dib loogu dhigay sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta rasmiga ah ee kursiga dib loogu dhigay ay tahay dagaal shakhsiyeed oo uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ka wakil ah Farmaajo uu ku hayo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo hadda kursigan ku fadhiya.

Yaa ku loolamaya kursiga?

Kursigan ayaa waxa uu ka dhaxeeya saddex jufo hoosaad oo ka tirsan beesha Saleebaan kuwaas oo kala ah Reer Xersi, Warfaa iyo Bah Abgaal.

Waxaa u sharaxan Cabdisaabir oo kasoo jeeda Reer Xersi iyo Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar oo kasoo jeeda Bah Abgaal. Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale, balse uma miisaan cusla sida Saabir iyo Cabdulqaadir.

Ergada kursiga ayaa waxaa soo xulaya saddex oday oo kasoo jeeda Reer Xersi, Warfaa iyo Bah Abgaal, oo ay wehliyaan laba xubnood oo ka socda ururada Bulshada Rayidka.

Maxaa dhaliyey dagaalka Qoor Qoor uu wado? 

Sida aan xogta ku helnay, labada oday ee Reer Xersi iyo Warfaa iyo labada xubnood ee ururada bulshada rayidka ayaa si buuxda u taageersan in xildhibaan Saabir dib loo soo doorto, halka odayga Bah Abgaal uu taageersan yahay Cabdulqaadir Cali Cumar.

Sababta taageerada u badisay dhanka Saabir ayaa ah waxqabadkiisa mudadadii shanto sano aheyd. Saabir ayaa shaqo wanaagsan u qabtay dadka uu kasoo jeedo ee deegaanada beeshiisa iyo guud ahaan Galmudug.

Muddadii uu xildhibaanka ahaa wuxuu deegaanada jufada ka dhisay laba ceel-biyood, wuxuuna waxbarasho jaamacadeed oo dibedda ah u diray in ka badan 50 arday oo beesha ah, kuwaas oo uu kharashka ka bixiyey.

Waxaan sidoo kale ogaanay in ergada lasoo xulay ay badankood taageersan yihiin Saabir, ayna u badan tahay in codadkooda siiyaan haddii doorashada la qabto.

Sababta loo baajiyey doorashada

Qoor Qoor ayaa markii uu garowsaday inay sidaas u sareyso rajada dib u doorasho ee Saabir wuxuu go’aansaday inuu baajiyo doorashada, si uu uga fakaro qorshe lagu reebi karo xildhibaanka.

Dagaalka Qoor Qoor ee Saabir ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid uu ku fulinayo danta Farmaajo, oo ay ka go’an tahay inaysan soo laaban dhammaan xildhibaanada beesha Habargidir ee mucaaradsanaa muddadii uu xilka hayey.

Waxaa hadda laga cabsi qabaa in Qoor Qoor uu gebi ahaan liiska musharaxnimo ka saaro Saabir, maadaama haddii codeyn ay dhacdo ay caddahay inuu guuleysan doono.