Xog: Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday baaritaankii Coldoon ee Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa shalay laga qaaday dheecanadiisa si looga baaro cudurka halista ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo lagu arkay calaamado kamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurkaasi.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, Baaristii shalay lagu sameeyay Wariye Coldoon ayaa waxa kasoo baxday Natiijo hordhac ah, oo ku saabsan xaaladdiisa.

Cabdimaalik Coldoon ayaa Baaristii koowaad lagu xaqiijiyey inuusan qabin cudurkaasi, balse uu qabo cudur kale oo aan la aqoonsan, kaasi oo mararka qaar neefta ku dhajinaya Coldoon, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaarada caafimaadka Somaliland.

Baaritaanka natiijadaasi ka soo baxday ayaa waxa lagu sameeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, inkasta oo dheecaanadiisa loo sii dirayo dalka dibediisa si loo sugo natiijada kasoo baxday baaritaanka hordhaca ah ee xaqiijineya inuusan Coldoon qabin xanuunka dadka badan ku laayay gudaha Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online u sheegen Dhakhaatiirtii shalay ku booqatay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, Wariye Coldoon ayaa waxa laga dheehan karayey xanuun badan oo ka muuqda, iyada oo tabar daro baahsanina soo wajahday, midaasi oo uu sababay xanuun ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin, iyada oo uu hoos u dhacay shakigii ahaa inuu qabo Coronavirus.

Siyaasiyiin iyo Wariyayaal badan ayaa dalbaday in xabsiga laga sii daayo Cabdimaalik Coldoon, iyagoo marar kala duwana dalabkaasi si toos ah ugu gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inuu weli ka dhago adeygayo fulinta dalabaadka tirada badan ee ku aadan sii deynta Coldoon.