Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo uu wehliyo guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ay wadaan dadaalo ay ku hakinayaan mooshin la doonayo in laga keeno Wasiirka Garsoorka Xukuumadda Faarax C/Qaadir.
Xildhibaanno badan oo is-baheystay ayaa raba in xilka laga qaado Faarax, waxaana ay diyaariyeen mooshin.
Xasan Sheekh iyo jawaar ayaa wararka sheegayaan in xaley ay qaar ka mid ah xildhibaanadda casho sharaf qarsoodi ah ugu sammeeyeen gudaha xarunta Villa Somalia, si ay u qanciyaan.
Xildhibaanno kor u dhaafaya 75 xildhibaan, ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah wasiirka, iyadoo laga cabsi qabo inay siyaadaan xildhibaanadda saxiixi kara mooshinka.
Xildhibaannada ololaha wada, ayaa waxa ay yihiin kuwii hore u diida in la meelmariyo ansixintii sharciga golaha adeega oo ay xildhibaanadu ku andacoodeen inuu awood dheeri ah siinayo Faarax, hase yeeshee loogaa adkaaday codkii baarlamanka ku ansixiyey guddigan.
Madaxda dalka ugu sarreysa ayaa xusul duub ugu jira sidii ay u shuuqin lahaayeen mooshinkaan kasoo dhex bidhaamaya xildhibaannada baarlamanka oo aad u carreysan.
Xildhibaanadda baarlamaanka Ayaan sidoo kale la dhacsaneen habsami u socodka shaqada xukuumadda, xilli shalay kulan ay wasiiraddu caasimadda ku yeesheen ay arrimo dhowr ah ku falanqeeyeen, waxaana suurta gal ah in xittaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli laga geeyo mooshin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]