30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Xog: Olole mooshin ka dhan ah Muudey oo Muqdisho ka socda – Yaa ka dambeeya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacaddihii ugu dambeeyay waxaa xoogeystay ololaha Mooshin laga waddo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ololaha Mooshinka ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, oo ku xiran madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in  guuxa Mooshinka uu soo bilowday tan iyo markii  Golaha Shacabka la horkeenay sharciga doorashooyinka dalka ee golaha wasiirada ay soo ansixiyeen, kaasi oo Muudey la sheegay inuu kasoo horjeedo.

Muudey ayaa sharcigan u arko mid si cad u xaqiijinaya in madaxweyne Farmaajo mar kale lasoo doorto, taasi oo sida laga soo xigtay dad ku dhow, uu arko arrin dastuur ku tumasho ah.

Ololaha Mooshinkaan ayaa si xowli ah ku socda, waxaana la sheegay in aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin meelmarintiisa, islamarkaana wali ay socdaan tashiyo ay waddaan xildhibaanada Ololaha Mooshinka wadda iyo Mas’uuliyiin daba ka riixaysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha mooshinka aysan dooneyn in mooshinka ay horgeeyaan baarlamanka, balse ay rabaan kaliya inay cabsi geliyaan Muudey, si uusan caqabad ugu noqon sharciga meel marintiisa.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haataan ku maqan dalka Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay inuu xilligan awood ku leeyahay Baarlamaanka, waxaana la xusuustaa doorkii uu ku lahaa ridistii Guddoomiye Jawaari.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News