30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Gudiga joogtada ah ee BF oo shir ku leh Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka u furmay Guddiga joogtada ayaa waxaa Shir guddoominay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiga joogta ah.

Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa ee Maagaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la badii asbuuc oo u dambeysay Fasax ku jiraya waxaana loo fasaxay 10 ka dambe ee Ramadaan,waxaana Guduga joogtada ah ka arinsanayaan sidii dib loogu furilahaa.

Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaan dhowr xeer oo ay u soo gudbiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan kulan la qaatay Gudoonka labada Gole ee barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in dadajiyaan sharciyada horyaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News