Xog: Qaar ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan oo lagu karantiilay Imaaraadka

Dubai (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii dib loo doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in karantiil lagu geliyey dalka Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, welina dalka kuma soo laaban.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay, waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida, ayada oo dadku is weydiinayaan halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha kasoo xigatay in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka coronavirus.

Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo, oo aanu ku jirin xubnaha laga helay fayruska, laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200% maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow.

Waxay intaasi ku dareen in maanta gelinka dambe laga yaabo in kulamadaasi ay dhacaan.

Kaddib markii uu doorashadii 15-kii May ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la arkayay safiiradda dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.