Xog: Qorshaha ciidanka la geeyey Gedo iyo dhismaha Jubaland-ta Bu’aale

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay doorasho ku qabato magaalada Bu’aale oo ah xarunta Jubaland.

Sida ay ilo wareedyo noo sheegeen, dowladda ayaa damacsan in ciidan ay geyso xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya ee Jubooyinka, kadibna ay ciidanka Itoobiya qabtaan gobalka Jubada Dhexe si doorasho deg deg ah loo qabto.

Ciidanka lagu daabulay Gedo, ayaa la sheegay in aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka balse ay ilaalin doonaan xuduudaha dalka, si loo ilaaliyo faro-gelinta Kenya kadibna loo qabto doorashada Jubaland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya kula heshiiyay qorshahaan,  islamarkaana ay suurta gal tahay in ay ka qayb qaataan ciidamo u dhashay dalka Eritrea oo soo gala Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ka hor bisha April ay dowladdu qaban doonto Jubada Dhexe kadibna la qaban doono doorasho, waxaana halkaas lagu soo afjari doonaa waayaha Axmed Madoobe, sida ay noo sheegeen Ilo-wareedyo muhiim ah oo dowladda ka tirsan.

Ciidamada Itoobiya ayaa la filayaa in ay ka baxaan saddex gobal midkood, kuwaas oo kala ah Jubada Hoose, gaar ahaan Kismaayo, Gedo degmooyin ka tirsan iyo gobalka Bay, gaar ahaan Diinsoor oo masaafo aan fogeyn u jirta Bu’aale.

Haddii ay dowladda Soomaaliya qabato doorasho kale oo Jubaland ah islamarkaana aqoonsi iyo taageero u hesho waxay u muuqataa in halkaasi looga soo gudbay waayihii maamul gobaleedyada dalka inkastoo gebo-gebo uu waqtiga madaxda dowladda Soomaaliya uga harsan muddo xileedkeeda.

Maamulka laga dhisayo Jubaland ayaa qorshihiisu yahay inuu soo xilo xildhibaanada federaalka ee 2020, taasi oo dowladda siineys awoodda suu xulista xildhibaanada ka imanaya afar maamul goboleed, kuwaasi oo saddexda kale ay yihiin Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dib u doorashada Farmaajo, ama haddii aan si kale u dhahno isku dayga Farmaajo ee sii haysashada kursiga.