24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

XOG: Qorshaha kulamada odayaasha HAWIYE.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Odayaasha Beelaha Hawiye kaasi oo looga tashanaayo maqaamka Gobolka Banaadir iyo lahaanshiyaha Gobolka.

Odayaasha dhaqanka ayaa wali ku adkeysanaaya in Gobolka Banaadir uu yahay keliya mid ay u madax-banaanyihiin Beelaha Hawiye islamarkaana wixii kasoo hara ay yihiin Marti.

Shirarka ayaa waxaa iminka kusoo biiray Odayaa kale oo iyaguna qaba in maamulka Gobolka Banaadir uu yahay mid aan waxba ka khuseyn beelaha kale, balse ay ogolyihiin in Beelaha kale ay marti ku noqdaan islamarkaana ay degaan halka ay doonayaan, iyaga oo aan xuquuq ku sheeganeynin Gobolka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midinmimada Beelaha Hawiye, ayaa mar kale cod dheer ku sheegay in Beelaha kale aysan maankooda galin in xuquuq ay ku leeyihiin Gobolka, waxa uuna tilmaamay in Gobolada la kala leeyahay, Beel walibana looga baahan yahay inay ka tashato aayaha Gobolkeeda.

Waxa uu sheegay in Gobolka Banaadir ay ku noolyihiin Beelaha Hawiye iyo Banaadiriga, sidaa aawgeedna ay mudan tahay in loo hogaansamo waxa uu qabo sharciga deegaanka.

Wuxuu Dowlada Federaalka ah ee Somalia uga digay in maamulkaasi sameytiisa ay rajo weyn ka qabaan beelaha Hawiye aysan kusoo siyaadin beelo kale oo aan xaq u laheyn in ay kamid noqdaan maamul ay yeeshan dadka dega Magaalada Muqdisho.

Hadalka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxa uu imaanayaa xilli mudooyinkii dambe ay Beelaha Hawiye ay wadeen ololo xoogan oo ku aadan helida Dowlad goboleed laga hir geliyo Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News