25.5 C
Mogadishu
Monday, February 16, 2026

BFS oo u jawaabay Hawiye fariinna u diray CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si adag kaga hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay odayaasha beelaha Hawiye.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid aheyd xildhibaano ku shiray magaalada Nairobi ayaa sheegtay in beelaha Hawiye oo kaliya aysan go’aan ka qaadan karin maqaamka caasimada Soomaaliya.

Waxay sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya uu go’aan kasoo saarayo maqaamka caasimada Soomaaliya kadibna lagu maamuli doono caasimada.

Waxay sidoo kale xildhibaanada ku shiray Nairobi ay sheegeen in baarlamaanka cid aanan aheyn ineysan soo saari karin maqaamka ay yeelaneyso caasimada Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaanada ayaa ka digay kala qeybinta odayaasha dhaqanka ee Hiiraan, iyaga oo fariin u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhawaan odayaasha dhaqanka ee Hawiye ayaa sheegay in  gobolka Banaadir cid aan Hawiye aheyn iney marti ku yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News