Xog: Qorshe lagu bedelayo barnaamijka hiigsiga cusub oo XAMAR ka socda + Yaa ka dambeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay soo qabanqaabisay wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya loogana hadlayo qorista qorshaha Qaranka ee 2017-2019-ka ayaa ka socda maalintii labaad magaaladaMuqdisho, waxaana furitaankisii kasoo qeyb galay Ra’iial wsaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirka Qorsheynta iyo marti sharaf kale.

Sameynta qorshahan ayaa la filayaa in lagu bedelo barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal oo la sheegay inuu dhammaadka bisha Ogoosto ee 2016-ka ku eg yahay. Xuseen Ceellaabe Faahiye oo ah khabiir dhinaca qorshaynta, isla markaana jagada wasiirka qorsheynta muddo dheer soo hayay ayaa ka sheegay shirka in helista qorshe Qaran oo dalku yeesho ay tahay tallaabada ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo dalka.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa caddeeyay in dhameystirka Qorshaha Qaran ee horumarinta dalka uu qaadan doono ilaa dhamaadka sanadkan, iyadoo Golaha wasiirrada la hor-geyn doono bisha June ee sanadka 2016-ka.

Ra’iisal wasare xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa qeeaxay ujeedka laga leeyahay qorshahan inuu yahay yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta iyo gaarista yoolka la hiigsanayo mustaqbalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com