Xog: R/W Kheyre iyo Mursal oo iska cayriyey ciidamadii AMISOM ee ilaalin jiray.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa rasmi ah amaankooda ugu wareejiyay ciidamo Soomaali ah, halka markii hore ay amnigooda mas’uul ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xubno ka tirsan Saraakiisha amaanka Soomaaliya gaar ahaan Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in Xasan Cali Kheyre uu dhawaan soo afjaray ciidankii ilaalada u ahaa ee AMISOM, waxa uuna noqonayaa masuulkii labaad ee tallaabadaan qaada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan ayaa dhowr bil ka hor joojiyay shaqadii aheyd sugidda amniga ee ciidamada AMISOM ka haayeen Xafiiskiisa, gurigiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa waxaana lagu wareejiyay Ciidamo Soomaali ah sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa amaanka Xafiiskiisa iyo socdaalkiisaba ka wareejiyay Ciidamada AMISOM. Kheyre ayaa hore u joojiyay in ciidamada AMISOM u raacaan safarada iyo socdaalka magaalada gudaheeda, iyadoo todobaadyo ka horna laga wareejiyay amaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada AMISOM ayaa mas’uuliyadda saaran waxaa kamid ah sugidda amaanka madaxda Qaranka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha waxaana hadda ay ku harsan yihiin oo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u raacaan safarada gudaha dalka ah iyo socdaalka magaalada gudaheeda ah.

Ciidamadaan ayaa mushaarka ay qaataan waxaa u dheeraa lacago Service ah oo ay siiyaan madaxda Qaranka markii ay qabtaan shaqooyinka adag sida markii ay madaxda u raacaan safaro gobolada ah waxaana lacagahaas la sheegay in hadda ay u wareegi doonto Ciidamada Soomaalida ee u baxaya Safarada gobalada ama madaxda u raaci doono shaqooyinka gudaha dalka ah ee ka baxsan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com