Xog: R/W Rooble iyo Yaasiin Farey oo ay ka dhex tafatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka carooday tallaabo uu qaaday ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey), taasoo keentay in Rooble uu kulan ugu yeero xildhibaan Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka carooday xil ka qaadis uu Yaasiin Fareey ku sameeyay Taliyaha Hoggaanka Baarista NISA Col. Xamdi Xasan Maxamuud oo jufo ahaan ay is xigaan ra’iisul wasaaraha.

Kulanka oo la sheegay inuu dhacay habeen hore ayaa ra’iisul wasaaraha uu kala hadlay Yaasiin Fareey sababta xil ka qaadista dhalisay, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in kulankaasi la isku fahmi waayay.

Saacado kadib ayaa qoraal ay soo saartay Col. Xamdi waxay ku caddeysay inay shaqada ugu tagtay ku-simaha NISA Yaasiin Fareey oo ay ku eedeysay inuusan ku dhaqmin sharciga dalka u yaal, islamarkaana aysan jirin cid looga dacwoodo, taasi badalkeedana ay sheegtay in xiligaan ay tahay marqaatiga nool.

Col. Xamdi ayaa sababta xil ka qaadisteeda soo dedejisay loo aaneynayaa inay xiriir dhow la leedahay ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Jacfar oo ilaa hadda ah guddoomiyaha degmada Deyniile, islamarkaana ay ka mid tahay mid ka mid ah xaasaska u dhaxa Jacfar.

Yaasiin Farey ayaa xilka taliyaha NISA ku jooga heshiis dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare oo lagu xaliyey khilaafkii ka dhex oogaan, heshiiskaas oo dhigaya inuu Yaasiin xilka sii hayo illaa laga soo magacaabayo taliye ay labada nin ku wada qanacsan yihiin.

Si kastaba, dhowr bil kadib heshiiskaas, weli Farmaajo sooma magacaabin ciddii beddeli laheyd Yaasiin Farey, mana muuqato inuu sidaas damacsan yahay maadaama Yaasiin uu ka mid yahay shaqsiyaadka sida aadka ah daacadda ugu ah.