Markab hub sida oo laga leeyahay Shiinaha oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab hub sida oo ka yimid dalka Shiinaha ayaa maanta kusoo xirtay dekadda weyn ee Mudqdisho xilli wafdi ka socda dalka Shiinaha ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan dokomentiyo la helay, waxyaabaha saarnaa markabkaan ayaa waxaa kamid ah shixnado hub oo ka kooban noocyada kala duwan, sida hub, gaadiid dagaal, booyado iyo waxyaabo kale.

Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Wasiirro, Taliyaha Ciidamada Xoogga, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa hubkan iyo agabka militari kala wareegay dowladda Shiinaha.

Khubaro amni oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa shaki geliyey isticmaalka hubkan, xilli dalku ku jiro xaalad kala guur ah.

Ilaha qaar ayaa sheegaya in dhowaan Dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay soo celiso ciidamada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Eretria, kuwaas oo shaki badan laga qabo in loo adeegsan doono doorashada 2022-ka.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday waqtigii looga talagalay, waxaana hadda muuqata inay gaari karto illaa Bisha Todobaad ee sanadkaan.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isku dayey inuu sameysto muddo kordhin Hal Sano ah, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid mucaaradka oo adeegsaday awood ciidan.