Xog: R/W Rooble oo saanad ciidan u diray GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu fasaxay laba diyaaradood oo hub wada oo laga dejiyay magaalada Gaalkacyo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa diyaaradahaan ay laba toddobaad kahor ka dageen Gaalkacyo, waxayna wadeen rasaas, hubka fudud iyo saanad kale oo ciidan, ayada oo lagu wareejiyay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo codsaday hubkaas. 

Hubka laga dejiyay Gaalkacyo ayaa loo qorsheeyay in Al-Shabaab looga saaro degaanada Koonfurta Gobalka Mudug ee Soomaaliya, waxaana dagaalkaas saraakiisha hogaamineyso kamid ah taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneral Biixi iyo saraakiil kale. 

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda ku dhow degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, iyagoo soo qabsaday dhul ballaaran oo hoostaga gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. 

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda degaanada dhaca Koofurta gobalka Mudug ayaa jawaab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Wasil ee gobalka Mudug daba-yaaqada bishii Juun ee sanadkaan weerarkaas oo ay Al-Shabaab ku dileen ku dhowaad 50 qof oo shacab u badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya, oo uu hadda awoodaheeda fulinta si buuxda gacanta ugu hayo, ay si kasta oo ay awoodda uga qeyb qaadato in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanda Galmudug.