Al-Shabaab oo qasbeysa in MUQDISHO laga hirgeliyo manhajkeeda waxbarasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayeysa inay qasab ka dhigto in manhaj ay diyaarisay laga dhigo iskuullada ku yaalla magaalda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Al-Shabaab ayaa u yeeray maamulayaasha qaar ka mid ah Iskuulada Muqdisho, si ay arrintan ugala hadlaan, waxayna ku amreen in ay qaataan manhaj cusub oo waxbarashada ah oo ay saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa u sheegay barayaasha iyo maamulayaasha Iskuulada in ay qasab-tahay qaadashada manhajka cusub ee Iskuulada Hoose – Sare, kaasoo ay sheegeen in uu yahay kan saxda ah ee laga bixin doono guud ahaan dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintaan ayaa durba caqabad ku noqotay maamulayaasha Iskuulada, iyagoo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen amarka Al-Shabaab maadaama aysan didi karin, sidoo kalane aysan aqbali karin, maadaama Muqdisho ay ka taliso dowladda federaalka.

Guud ahaan Soomaaliya marka laga reebo degaanada Puntland iyo Soomaaliland waxaa hadda ka dhaqan galay Manhajka ay soo saartay dowladda Soomaaliya, kaas oo ka kooban ilaa dugsiga Sare.

Lama oga sida xal loogu heli karo qorshaha Al-Shabaab oo halis ku ah waxbarashada Soomaaliya iyo ammaanka dalka hadii uu dhaqan galo. Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin arrintaan oo hadda soo ifbaxeyso.

Al-Shabaab ayaa horey amaro badan uga dhaqan-gelisay Muqdisho, sida inay ka qaado canshuur, hase yeeshee arrinta manhajka ayaa ah mid ka duwan maadaama ay tahay wax muuqda, oo aan sida canshuur bixinta loo qarin karin.