TAALIBAAN oo hal arrin ka ogolaatay MAREYKANKA

Washington (Caasimada Online) – Taliban ayaa u sheegtay maamulka Mareykanka inay “marin ammaan ah” u ogolaan doonaan garoonka diyaaradaha Kabul oo weli ay maamulaan ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Sullivan ayaa xaqiijiyey in garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamid Karzai uu hadda shaqeynayo, islamarkaana duulimaadyada daad-gureynata muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay socdaan, kadib markii si ku-meel gaar ah loo hakiyey Isniintii.

“Taliban waxay nagu wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay marrin ammaan ah siiyaan shacabka ku socda garoonka, waxaana kula xisaabtami doonnaa ballan-qaadkaas,” ayuu yiri Sullivan. 

Inkasta oo ay jireen warar sheegayey in Taliban ay xanibtay waddooyinka loo maro garoonka, Sullivan wuxuu sheegay in dhammaan dadkii doonayey inay ka tagaan dalkaas ay awood u yeesheen inay gaaraan garoonka.

“Xaqiiqdii, dad badan ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka oo ay isa soo bandhigaan,” ayuu yiri Sullivan.

“Waxaa jiray xaalado aan helnay warbixino sheegayey in dadka qaar la celiyey ama la garaacay, waxaana arrintaas kala hadleynaa Taliban si ay u xaliyaan.” 

Sullivan oo dhowr mar ugu yeeray dagaalka Afghanistan “dagaal sokeeye”, ayaa difaacay go’aanka madaxweyne Joe Biden uu ciidamada Mareykanka uga soo saarayo Afghanistan. 

Waxa uu sheegay in ikhtiyaarka Washington uusan aheyn inay caawiyaan dowladda Afghanistan ama ay diidaan, balse uu ahaa inay ciidamadooda lasoo baxaan ama ay diraan kumanaan askari oo kale, si ay dagaal uga qeyb galaan.

“Waxaa nasoo gaari lahaa khasaare. Rag iyo dumar Mareykan ah ayaa dagaalami lahaa oo mar kale dhiman lahaa,” ayuu yiri. 

Taliban oo shalay Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kabul, ayaa sheegtay inay doonayso xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka, ayna ilaalin doonaan xuquuqda haweenka.

Sullivan ayaa sheegay inaan hadda la go’aamin karin in Taliban ay kasoo baxeyso ballan-qaadyadaas iyo in kale. 

“Ugu dambeyntii Taliban ayey u taallaa inay dunida inteeda kale tusto cidda ay yihiin iyo sida ay damacsan yihiin inay ku socdaan. Sooyaalkoodii hore ma wanaagsaneyn,” ayuu yiri.