Maxaa sababay ‘khilaafka soo kala dhex-galay’ gudiga doorashooyinka DALKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey, kadib qoraal ka soo baxay guddigaasi.

Saciid Abshir oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay khilaafkaasi iyo waxa ku dhaliyey inuu ka hor yimaado habraaca la soo saaray.

Sababta ayuu Saciid ku sheegay in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

“Habraaca ma diidanin balse waqtigii la shaacin lahaa lama joogo, waxa aan nahay Guddi madaxbannaan oo loo xilsaaray doorashooyinka dalka, waxa aan ku shaqeyneyno ma aha sharci qoran ama xeer doorasho oo la ansixiyay” ayuu yiri Mr. Saciid Abshir.

Sidoo kale wuxuu la yaab ku tilmaamay shaacinta habraaca doorashada oo uu sheegay in lagu soo aadiyey, xilli ay xubnaha qaar ee guddiga ku maqan yihiin maamul goboleedyada.

“Xubnaha ugu sarreeya Guddiga FEIT waxa ay dowlad goboleedyada u aadeen la socodka Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS, Guddiga ayaa kala maqan oo la yaab in arrin Masiiri ah la soo saaro” ayuu hadalkiis sii raaciyey Saciid oo ka tirsan guddiga doorashada.

Dhinaca kale madaxa Maaliyadda ee FEIT, Mudane Cabdi Xiis ayaa kasoo horjeestay habraacan, isaga oo warqad cabasho u diray golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Cabdi Xiis ayaa sidoo kale ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata habraaca soo baxay ee uu shalay shaaciyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Arrintan ayaa sababi karta in ay xumaato wada-shaqeynta xubnaha gudiga doorashooyinka ee heer federaal oo ay sugeyso howl adag oo ku aadan qabashada doorashooyinka 2021-.

Halkan hoose ka aqriso:-