25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xog: Roobow oo diiday in loo diro gaadiid iyo ciidamo Ethiopian ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka biya diiday in ciidamada gurmadka ah ee loo dirayo qeyb ka noqdaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanada Bay iyo Bakool.

Saraakiil la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in Roobow uu ku goodiyay inuu dib ula laaban doono qorshihiisa isbedel, haddii ay dhacdo in deegaanada uu ka arimiyo kusoo siqaan ciidamada Ethiopia.

Roobow ayaa la sheegay in si cad uu u qaadacay in ciidamada Ethiopia ay qeyb ka noqdaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee garabka u noqon doona.

Waxa uu Roobow dalbaday inaan ciidamada Ethiopia laga soo ag dhaweyn deegaanada uu maamulo, isagoo dhanka kale ku goodiyay in dhaqdhaqaaqa ciidamada Ethiopia uu u qaadan doono duulaan ka dhan ah.

Sidoo kale, Roobow ayaa maamulka Koonfur ka dalbaday in ciidamada gurmadka ah aysan soo dhaafsiin deegaan 5KM u jira dhulka miyiga ah ee deegaanka Abal oo ku yaallo duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Roobow ayaa waxaa laga dheehan karaa cabsi ku aadan dhanka dowlada iyo Beesha Caalamka oo u muuqda kuwo aan leysku haleyn karin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News