24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xog: Ganacsatada Beerta Nabadda oo diiday amarkii guddoomiye Taabit

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Amarkii kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ku aadanaa in dadka shacabka ah ay si lacag la’aan ah ku geli karaan beerta Nabadda ayaa waxaa ka horyimid ganacsatada maal gashatay.

War uu xalay shaaciyay afhayeenka gobolka Banaadir ku sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir dadka shacabka ah faray inay si lacag la’aan ah ku geli karaan Beerta Nabadda maanta laga bilaabo ay ka horyimaadeen ganacsatadaasi.

Wararka laga helaayo ganacsatadaasi ayaa sheegaya in aysan waxba ka badali doonin qorshahoodii hore ee ahaa in dadka gelaayo Beerta Nabadda ay ka qaadi donaan qidmada yar ee halka dollarka weyn, halka caruurtana laga qaado hal dollar iyo bar.

Arrintaan ayaa muujineysa in uu burburay wada hadaladii ganacsatada maalgashiga ku sameysay Beerta Nabadda iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit, oo doonayey inay ganacsatada saami ka siiyaan dhaqaalaha kasoo xarooda Beerta Nabadda.

Ganacsatada ayaa ku dooday inay horey heshiis maal-gasho ula galeen dowladda, islamarkaana aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan laaluush cusub.

Guddoomiye Taabit ayaa horay amaro usoo saaray ay ka hirgeli waayeen magaalada Muqdisho, kaasoo ku aadanaa hab qoraalka wax ka badalka magaca Banaadir oo Benaadir uu ka dhigay iyo in wadada Maka Mukarama uu ka mamnuucay gaadiidka AMISOM, amaradaasi oo socon waayay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News